Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriyada waxaa qeybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada nabi Muxammad CSW, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex abuurtay culumada Islaamka oo ay ku kala qeybsan yihiin.
Marka laga eego taariikhda Miilaadiga Nabi Muxammad CSW wuxuu dhashay 22kii bishii Abriil ee sannadkii 571-kii, hase ahaatee waxay muslimiinta xuska maalintaas ku aaddiyaan bisha Mowliid.
Maanta waxaa shaqooyinka fasax ka ahaa dad fara badan oo munaasabaddan awgeed loo siiyay fursad, dalalka Islaamka ee ay nasiinada ka jirtana waxaa ka mid ah Soomaaliya.
Dr Xasan Al Basri oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Axqaaf ayaa isagoo ku sugan dalka Yemen BBC-da uga warramay saameynta ay munaasabaddan ku leedahay dunida Muslimka, sida ay sax u tahay iyo sida ay muhiim ugu tahay dadka muslimiinta ah.
"Waxay muhiim ugu tahay waa wakhtigii uu soo baxay rasuulkoodii oo ah nabigii ay rumeysnaayeen, waa nicmo Alle looga mahad naqo midda ugu weyn, oo mudan in la is xasuusiyo waxaana arrintaas keenaya jacaylka ay dadka muslimiinta ah nabiga jecel yihiin".
Munaasabaddan ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.
Dr Xasan Al-basri oo ka hadlayay waxyaabaha ay sameeyaan dadka xuskan ka qeyb qaata ayaa yiri "Sida caadiga ah dadku wey kulmaan, waxay isugu yimaadaan meel fagaare ah, halkaas ayey nabi ammaan ku sameeyaan, dadka soo xaadirana wax ayaa la siiyaa, waxaana laga sheekeeyaa taariikhdii uu nabigu lahaa. Meelaha qaar quraan ayaa laga akhriyaa waxaana la is xasuusiyaa dhaqankii nabiga iyo waxyaabihii uu sameeyay sida dagaalladii uu diinta u soo galay".
Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa munaasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn.
Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid muddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara bandanna uu ka jiray.
Sax ma tahay in dhalashada nabiga la xuso?
Al-Basri oo qodobkan ay BBC-da wax ka weydiisay ayaa ku jawaabay.
"Dabcan marka dib loo fiiriyo taariikhda culumadii waaweyneyd ee islaamka, dhammaantood wey soo dhaweeyeen, balse dadkaas kuwii ka dambeeyay ee hadda jooga ayaad moodaa ineysan barnaamijkan jecleysan, waxayna adeegsadaan eragya 'bidco' oo ay ula jeedaan inuusan nabigu waxaas sameynin".
Waxaa jira muxaadarooyin fara badan oo ay culumada islaamka ee ka soo hor jeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay umadda muslimiinta ah iney arrintan sameeyaan.
Balse qeybo badan oo ka mid ah aqoonyahannada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalinta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday iney tahay farxad loo muujinayo imaanshihii nabiga.
Nabigu ma xusay dhalashadiisa?
Mar aan su'aashan hor dhignay Dr Albasri ayuu yiri "Dib markii loo raacay qodobkan waxaa la ogaaday inuu sax yahay. Xadiiskii Qataata ee lagu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sababta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soomo, wuxuuna ku jawaabay iney tahay 'maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale'. Dib markii arrintan loo sii raacay waxaa la ogaaday in nabigu qudhiisa uu si gooni ah maalinta dhalashadiisa ah u xusay".