(Maqaal)Waa kuma Ardayga ku guulaysta Waxbarashada?

Matahay Arday
'Ardaygu waa hogaamiyaha mustaqbal ka'


Ardayda maanta waa hogaamiyaashii berito.; Tayada ardayga wanaangsani waxay saamayn weyn ku leedahay isla markaasna jaan-goysaa mustaqbalkiisa berito. 

Sidaa darteed, yaa arday wanaagsan ah? Maxaa tayo laga rabaa ardayga wanaagsan? Taariikhiyan, erayga “Arday” waxaa lagu qeexi jirey qofkasta oo wax uun bartay, si kastaba ha ahaatee, waaydan dambe waxaa lagu qeexaa qofkasta oo xaadirey Dugsi, machad ama jaamacad.

Ardaykasta Waxa uu Ku riyoodaa ama ku hammiyaa markasta inuu guul ka gaaro Waxbarashadiisa Isagoo ka dheeraanaya inuu ku fashilmo Tacliin doonistiisa , Haddaba Si aad guushaas  ugaarto waa in marka hore aad leedahay hadaf iyo doonis. Rasuulkeeni Suubanaa CS Waxaa kasugnaa Xadiis Macnihuusu ahaa “ Qofkii dariiq umara Isagoo Cilmi raadis ah Alle ayaa usahla dariiqa loomaro Jannada ”.

Hadafka iyo doonis kasta waxaa lagu gaaraa dadaalka iyo awooda aad naftaada galiso hadba inta ay la’egtahay. Geel-jiraha waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. 


Xaqiiqadu waxay tahay in aadan noqonayn arday wanaagsan oo ka guulaystay naftiisa in badan haddii aadan naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin.

Xaqiida jirtaa waxay tahay, ardaynimadu ma ahan wax fudud, balse qofkasta arday wanaagsan wuu noqon karaa. Ardaynimadu waa shay  aad u adag waxa ayna ku xirantahay hadba sida aad isaga dhigto adi.  


Qof muddo arday soo ahaa wuxuu yeelanayaa dulqaad aad u sareeyo. Qofka ardayga ah waxaa looga baahanyahay inuu diyaariyo dhammaan hawlaha laga sugaayo sidda layliga, mashruuc la qoraayo, imtixanaadka iyo guud ahaan arrin walbo oo ku salaysan oo waajib kugu ah inaad qabato ka arday ahaan.

Haddaba, Akhristaheena sharafta lahaw sidee ku noqon kartaa arday wanaagsan oo ku guulaysta ardaynimadiisa? Waxaa laga yaabaa in su`aashan ay maskaxdaada ka guuxday inbadan. Balse waxaa loo baahanyahay in aad fahanto waajibaadka iyo hawlaha ardayga looga baahan yahay iyo qorshaha aad arrinkaas uga gudbi karto. 


Haddaba adigoo aan isdhibin in badan iskuday inaad ila qaado jidkaan aan aniguba raaco si aan alle idankiis uga miro dhalino hadafka iyo muraadka aan leenahay ee ku wajahan waxbarashada.;

1. Furaha koowaad ee aad ku noqon karto arday wanaagsan.; Waa adigoo wheel kadhigta camallada uu alle kufaray sida salaada, waxaana xaqiiq ah ardayba ardayga uu kacibaado badanyahay waa ka aqoon badanyahay. Allaah waxa uu kuu fudaydinayaa waxkasta oo aad u baahato haddii aad ka soo baxdo waajibaadka uu kufaray.

2:Hays Barbardhigin Dadka Kale.;Haddii aad doonaysid inaad noqotid arday guulaysata waligaa hays barbardhigin dadka kale sida ardayda aad wax islabarataan, kuwa aad dariska tihiin, walaalahaa ama saxiibadada kale. 


Ha oranin heblaayo saas bay ulabisataa ana waa ulabisan, hebel fasalka wu maqnaadaa markuu rabo ana waan maqnanayaa iwm. Iskuday inaad noqotid qof unool, usocda qaab isaga ukhaas ah adigoo adeegsanaya caqligaaga saliimka ah.

3:Noqo Shakhsi Maamulikara, Habaynkara Waqtigiisa.; Kuna hay Maskaxdaada Sida Wadnahaagu uu u garaacmayo ilbiriqsikasta ayuu waqtiguna usocdaa, oo daqiiqad ku dhaaftay dib kuugu sool aabanmayso.

Diinteena qaaliga ah maxay ka tiri waqtiga , Alle Swc waxa uu kaga hadlay aayado badan oo qur`aanka ah, isagoo nabaraya muhiimada uu waqtigu leeyahay waxa uuna alle ku dhaartay aayado badan qiimaha waqtiga awgiis.

Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha waqtiga lumiya ama dayaca oo ay ugu wayn tahay “dib-u-dhigista”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato waqtigeeda. Haddii aad dib u dhigato, wuxuu kordhiyaa un culayska ku saarmaya beri. Carabtu waxay ku maahmaahda “ Hawl Maanta Kuu taal Berri Ha u dhigan ”.

Ogsoonow In Waddamada horumaray ay kuxisaabtamaan waqtigooda oo aysan dayacin waqtigooda, qofka dayacana waxa ay marsiiyaan cawaaqibkiisa, haddii uu arday yahay iyo hadduu shaqaalo yahayba, Waddankeena Soomaaliyana Waqtigu qiimo kama halan,Inaga ayaa loo baahan yahay inaan qiima u yeelno wakhtiga oo nalasugayaa.

4. Aragtidaadu ha dheeraato, lana imow qorshe iyo jadwal aad ku gaarto hadafyadaada dhow iyo kan fogba. 

Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta iyo kala-mudnaanta hawlaha horyaal. Qorshayntu waxay ka bilaabmataa inaad is-weydiiso “Horta hadafkaagu muxuu yahay ?” tusaale waxaad tahay arday fasalka afraad ee Dugsi sare dhiganaya (form four) ,waxaadna hadaf ka dhigatay in aad imtixaanka kama dambaysta ah keento darajada ugu saraysa dhammaan maadooyinka aad qaadanayso ee 9-ka ama 10-ka ah, taasi waxay ku keenaysa in aad bilowdo wax akhris, qorid iyo baaritaan dheeraad ah si aad guul uga gaarto hadafkaaga.

5. Ka dhigo Dhaqan in aad u soo xaadirto fasalka si joogto ah.; Tani waxay kuu tahay fursad in aad kari karto waxwalba. Sidoo kale waxay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh. Waqtiyada fasalka la galaayo haka daahin, waxaad ogaataa macalin walba wuu jecelyahay in waqtiga saxda ah lagu imaado fasalkiisa. Macallin walbana ardaygiisa wuu jecelyahay illaa ardayga keeno waxyaabo macalinka ku nacay.

6. Ku dadaal Inaad qadariso Macalimiintaada.; Maxaa yeelay qofka waxbaranaayo waa adiga ee asiga ma ahan. Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Sidoo kale Dadka si wanaagsan ula dhaqan. Qaabka aad u dhaqanto aad ayay ula socdaan bulshada aad ku dhexnooshahay. Bulshada aad ku dhexnooshahay waa illaalo aan laguu dirsanin, marwalbana iska illaali inaad dhaqan xumo la timaado.

7. Kawada shaqaynta dhaman Layliyada kuu yaal,; Casharrada guriga laguugu diro iyo wixii kale ee laguu diro, iskuna day inaad ku gudbiso wakhtigii laguu qabtay. Hadii aad garani weysana u sheeg inaad garani weysay. Maxaa yeelay ujeedka layligu wuxuu ahaa in la ogaado waxaad fahantay. 

Macalinna ardaygiisa shaqo umma diro illaa iyo waxaa jiro sawababo loogu diray. Sababahaas waxaa ka mid ah in ardayga faa’ido ay igu jirto layliga noocaas ah.

8.Layeelo Xiriir Wanaagsan Barayaashaada(Macalimiintaada).; Guushaada waxa qayb weyn ka ah macalimiintaada. macalinku waa waaridka labaad ee ardayga inaad xiriir wanagsan oo xushma iyo qadarin kudhisan layeelataana waxay kaa saacidaysaa inay macalimiintaadu kujeclaadaan kuu na arkaan arday dadaalaya oo u baahan inla garabqabto waxayku caawinayaan markii marxalado adagi kusoo wajahaan.Inta badan waxay kuu sheegayaan qaladaadkaaga iyo qaabka wanaagsan oo ayt ahay inaad udhaqanto, wax ubarato, una noqonkartid arday horumar gaara.

9. Ku dadaal Inaadan sugin macalinkaaga markasta.; Arday haddaad tahay xasuusta ku hay markasta in barahaagu uu maalinkasta ku barikaro 30%, waxaana lagaaga baahanyahay in aad raadiso 70% ee kaadhiman waxaana kuu sheegin sir ahaan meesha ugu dhow aad ka heli karto waa adiga oo saaxiib dhow lanoqda Meelaha buugta akhriskaa lagu kaydiyo ee afka qalaad lagu dhaho LIBRARY (MAKTABAD). 

Ogow qofba qofka uu ka aqris badanyahay waa ka cilmi badanyahay. Haddii aad ahayd mid aan ka agdhaweyn goobtaas ku fakar inaad hadda bilowdo waayo magaalo kasta oo caalamka ah maanta waa leedahay maktabad wax aqris.

10.  Si aad ula timaado wax akhris guulayste raac hanaankan.; waxaana rajaynayaa in aad wax badan ka faa’idayso wax akhriskaaga. 

Marka kowaad waxaad ku bilowdaa Eegmo korxaadisa . Intaas ka dibna waxaa Su’aal iska waydii qaybaha aad kor xaadinta ku soo samaysay. Intaa ka dib waxaad toos u bilowdaa wax akhriskaaga, adiga oo isha ku haynaya meelaha sida gaar ah loo calaamadiyey. Ee buuga aad akhrinayso. 

Markaad dhamayso wax akhriska Dib u dhihid ku samayee waxaad soo akhriday, dabadeedna Dib u eegis ama naqtiin ku celi markale. Waxaa jira maahmaah ingiriisi ah oo oranayasa “in badan oo aad akhridaa waa in badan oo aad heshaa”.

11. Dadka Khibradaha aqooneed haysta.;Waxa ay isku raaceen khuburada akhriska iyo cilmiga daraaseeya in ardaygu uu markasta wax ku aqristo meel aan buuq iyo sawaxan lahayn, maxaa yeelay meesha wax laga akhriyo oo wax laga xifdiyo waa maskaxda bini-aadamka, maskaxda bini aadamkuna awood uma lahan in ay wax xifdido iyadoo uu buuq jiro.

12. Habeenkii oo aad seexato wakhti fiican.; Si ay maskaxdaadu mid nasatay unoqoto oo heshay hurdo kufilan, seexana ugu yaraan 7–8saacadood. Waxaa xaqiiq ah haddii maskaxdaadau hesho hurdo ku filan waxaad soo toosaysaa adigoo fir-fircooni dheeri leh. 

Qofka bini’aadamka aad ayey u wanaagsan tahay inuu helo hurdo ku filan. Hurdo la’aanta ayaa ka mid ah qofka inuu caajisloow noqdo. Damiirka wanaagsan oo aad waxbarashada u qaadeyso ayaa loo baahanyahay in subaxdii soo kacdo adigoo jirkaada diyaar u yahay inaad shaqeyso.

13: Ku akhri casharda meel ku haboon.; Ardayga wanaagsanow ha dhaawicin indhahaaga hana ku akhrin casharkaaga meel mugdiya ama ilaysku ku yaryahay, udhaqaaq oo wax ku akhri meesha ugu dhow ee aad ka helikarto ilays kugu filan araga indhahaaga, taasna waa talada khuburada caafimaadka.

14: Markasta gacanta kuwado Buug gacmeed & Qalin(Notebook).;Waxa dhicinkarta inay jiraan arday badan oo goobaha waxbarashada siiba waxabarashada sare aan u qaadan buug ay wax ku qortaan marka laga yimaado buuga macalinka taasi waa qalad weyn oo ardayda qaar sameeyaan. 

Ardaygu waa inuu marwalba wataa buug uu waxku qorto xitaa hadduu usocdo siminaar yar,aqoon kororsi & kale sida Muxaadaro meel kadhacaysa. Sababtoo ah inta aad maskaxda ku hayn kartid wixii laguu sheegay aad bay uyartahay.Marka fadlan isbar qaadashada qalinka iyo buuga haddii aad arday tahay si ay anfac uyeeshaan duruustii lagu baray.

15.Wakhti ugu haboon ee wax la xifdiyo.; Fikrad ahaan wakhtiyada ugu fiican in wax la xifdiyo waxa ka mid ah salaada aroornimo dabadeed, isku day inaad ka faa’dayso wakhtigaas, iskana ilaali inaad wax akhrido adoo daalan. 

Ha isku dayin inaad xifdido dhammaan wixii laguu dhigay, laakiin haddii aad u baahan tahay inaad xifdido macluumaad gaar ah baro oo adeegso qaabka aad shakhsi ahaan  wax ku xifdiyi kartid, waayo dadku isku mid ma aha, ardayduna waxa ay adeegsadaan nidaamyo kala duwan si ay wax u xifdiyaan, qaarkood waa ay ku celceliyaan shayga ay rabaan inay xifdiyaan, kuwo kalena waxa ay jecelyihiin inay qoraan wixii ay rabeen inay xifdiyaan, kuwo kale waxay samaystaan khariirad maskaxeed ay ku xasuustaan macluumaadkaas sida in ay soo gaabsadaan xarfaha u hereeya jumladaa la rabo in la xifdiyo.

16. Wajahida Imtixaanka .; Ardeygu Waa in uu Helaa Tilmaamo u sahlaaya Sida ugu Fuddud ee uu Imtixaanka u wajahaayo,Tallada Macallinka iyo Guud ahaan sida Imtixaanadii hore loo soo Marey ayaa u ah Dhaxal iyo Dhiirigelin uu kaga hortago Su,aallaha Cusub ee loo Diyaarin doono. 

Muraajicada iyo Dib ugu Noqoshada ama Tilmaamida meelaha Muhiimka ahi waxa ay Ardeyga u tahay Dejin iyo Helid Qeyb ka mid ah Kalsoonida Imtixaanka.Waxaadse Ogaataa in Muraa,jicadu aanney aheyn Mid markasta la helo Isbar kuna dadaal inaad noqotid shaqsi dulqaad badan oo caradiisu yartahay taas ayaa ah sirta guusha.

17.Dulqaadka: waxa iyana muhiim ah oo guushaada waxbarasho qeyb weyn ka ah inaad noqotid qof dulqaad badan oo sabra, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay leedahay “Ninkii sabraa sadkiis hela”. 

Waxbarashadu waa hanaan qaata waqti dheer. Waxaa macquul ah intaad wadid inay kusoo wajahaan waqtiyo adag. Waana sababta loo yiraahdo “Wadada loomaro waxbarashadu waa qaraartahay laakiin waxa macaan miraha waxbarashada”.

Rajada ugu weyn ee Qaran walba waxay kuxiran tahay hadba sida ay dhalinyaradiisu u helaan waxbarasho wanaagsan. Waxa ugu wanaagsan ee la maal galiyona waa bini’aadam sidaa owgeed Fadlan dhiiri gali oo kaqayb qaado horumarka waxbarshada.

Ugu dambayntii.waxaan isla garanay in ardayga wanaagsani uu yahay kan qorsheeya noloshiisa, hadaf mugleh samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta. Sidoo kale, hadafkeena iyo doonitaan keenu waa inaan ku dadaalnaa sidii aan u heli lahayn aqoon si aan u dhisno mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena, waana waajib saaran qofkasta oo caqli taama leh.

Waxaan sigaar ah ubaraarujinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed inaan dhammaanteen hurdada ka kacno oo aan la tartanto aqoon ahaan iyo maskax ahaan waddamada horumaray, sababtoo ah waddankasta oo horumaray waxaa gaarsiiyey dhallintooda oo wax ubaratay. waxan Alle ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwii ku liibaana aqoontooda If iyo Aakhiro.
  Ardaynimo Ruux Soomaray Baa Arlo Maamulikara