Saddex
warqadood oo imxitaanka ka mid ah ayay ardaydu aad uga cawdeen kuna tilmaameen
wax aan suurogal ahayn in laga jawaabo, aad ayayna uga murugoodeen.
Waxaa
xataa ka mid ahaa waxyaabo aan loo dhigin, sida uu ku warramay wargayska Herald
ee dalka New Zealand.
Wargayska
ayaa soo xigtay arday sheegaya in mid ka mid ah waraaqaha ay su'aaluhu ku
qornaayeen ay ahayd wax aan maskaxda lagu qaban karin, mararka qaarna su'aalaha
aan la soo raacinin macluumaad ku filan si ay si wanaagsan ugu fahmaan, ayna ku
jireen su'aalo aan kuba jirin buugga wax looga dhigo.
Mid
ka mid ah su'aalaha sida gaar ah looga hadlay waxaa ka kid ahaa mid aan lagu
dhiganin fasalka labaad ee dugsiga sare ama fasalka tobnaad sida looga yaqaanno
qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida.
Hadday
su'aashaas gafaanna waxay ku mutaysanayeen labo ganaax.
Illaa iyo hadda labo
iyo labaatan macalin oo xisaabta ka dhiga dalka New Zealand ayaa qoray waraaq
furan oo cabasho ah oo ay u direen wasaaradda waxbarashada iyo waaxda
Imtixaanaadka qaranka.
Waxay
sheegeen in ay dalbanayaan imtixaan wanaagsan aysanna ahayn markii koobaad ee
tan oo kale dhacdo.
Waalidka
ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay arrintan.
Wasiirka
waxbarashada ayaa isna dalbaday warbixin dhamaystiran oo arrinta imtixaanka ku
saabsan