Saddax Tallaabo Oo Lid Ku Ah Nolosha Ka fagow


 

Noloshu waxa ay leedahay caqabado badan oo u baahan in xikmad, dulqaad, aqoon iyo talo lagaga gudbo.
Hal-adayga iyo dhiirranaantuna waxa ay ka mid yihiin furayaasha muhiimka u ah nolosha ee uu qofku wax yaabo badan kaga badbaadi karo, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno oo ay dunida ku sii badnaayso xaasidnimada, iyo is-duufsigu.

Waxa uu qormadan ku soo bandhigayaa saddex arrimood oo haddii uu qofku caadayso ay ku adkaanayso in uu ka gudbo duruufaha adag ee nolosha, iyo in uu iskii u dhisto nolosh xalaal ah oo qurux badan naftiisuna raalli ku tahay. Saddexdaas arrimood waxa ay kala yihiin:

1.Naftaada oo aad dadka kale barbar dhigto: Dad badan ayaa ay caado u tahay in
markasta oo ay naftooda ka fikiraan ay barbar dhigaan naf kale, haddii ay tahay
shaqada, saaxiibtinimada iyo nolosha caadiga ah intaba.

Mar kasta oo uu horumar iyo in uu naftiisa dhiso ka fikiro waxa uu xasuustaa cid
uu is leeyahay waa ay kaa nolol fiican tahay. Laakiin waxa ay khubarada cilmi
nafsigu sheegeen in ay taasi bilow u tahay burburka nolosha oo qofku uu aakhirka
aamino in aanu gaadhi karin nolosha uu hiigsanayo.

Waxaa waajib ah in uu qofku xasuusto in laba qof oo kastaa ay kala duwan yihiin,
qof kastaana uu nooc gaar ah yahay, sidaa awgeed wanaagga uu qof gaadho iyo
xumaanta soo waajahdaaba ay qofkaas uun ku gaar yihiin.

2.Dadka hadalkooda oo lagu gubto: Dad badan ayaa ay dabeecad u tahay in ay
cidhiidhi iyo cadho ay dhaqso isu madax maraan marka ay cidi naqdi kala
hortimaaddo.

Waxaa muhiim ah in marka uu naqdi qof kale kaaga yimaaddo in markaba aad
nafta u sheegto in ay jirto gal-daloolo uu qofkani arkayo, lagana yaabo in uu
keliya u jeedo in uu ku saxo ama ku qurxiyo, haddiise xataa xumaan ay ka tahay,
naqdigiisa waxa aad u qaadataa dersi aad ku saxdo qalad aad leedahay oo haddii
aan laguugu caayi lahayn abidkii sii socon lahaa.

Taladu waa in aanad dhibsan isla markaana iska dhego marin dhalleecaynta cid
kale kaaga imanaysa, xataa haddii aanay kuula muuqan mid nasteex ah. haddii
aad aragto in dhaliishaasi ay tahay mid aan jirin, ha isku mashquulin qofkan
kugu sheegay oo u arag uun in uu yahay qof buka oo ka xun wanaagaaga, waxa
aanad ku dadaashaa in dadka aan isaga ahayn aad si ficil ah oo dadban ugu
muujiso in naqdigiisu aanu run ahayn, aakhirka dadku waxa ay diidi in ay tiisa
rumaystaan.

3.Haddii aanad iska xakamayn saamaynta hadalka dadku ku yeelanayo
fikirkaaga halis ayaad ku jirtaa: Waxaa jira dad badan oo hadallada dadku ay si
sahal ah saamayn ugu yeeshaan, taasina waa dariiqa ugu khatarta badan ee
qofkaas aakhirka bohol dheer biyo ugu shubaya.
Dad badan ayaa af-tahan ah, xikmad badan, si aad u qurux badan doonistooda
iyo fikirkooda kuu gelin kara, sidaa awgeed mar kasta oo aad cid fikir wadata
dhegeysanayso, ku dadaal in aad marka hore naftaada xakamayn karto si aanay
dhaqso qofkaas isaga daba-gelin.

Ugu yarana naftaada ku tababar in mawduuca lagala hadlayo ay dhegeysato,
kadibna inta ay dib isugu noqoto oo soo fikirto oo soo baadho ay dib ka qaadato
fikirkaas ama iska diido, sidaa awgeed isla marka fikirka laguu soo bandhigo, iska
jir in aad hore ka qaadato si aan caadifaddaada looga faa’idaysan.